The American Place

(860) 695-6337

 

Citizenship

Immigration Services

International Resources

Learning English

Welcome to Hartford

HPL Home Page

 

 

 

 

Tilmaanta  Talaabooyinka Laybareeriga
 

Sideen u heli karaa kaadhka Laybareeriga Hartford. 

Qofkii kasta ee sita cadeyn inuu degeanyey Hartford wuxuu sharci u leeyey inuu ka helo kaadh laybareeriga Hartford. Dadka degan Harford waxey ku isticmaali karaan kaadhka laybareeriyada kale ee gobolka kanaktikeyd ku yaal. Qofwaliba asagaa ka masuul ah alaabta uu ku amaahdo kaadhka.
 

 Ma heli karaa kaadhka laybareeriga Hartford, hadii aanan ku nooleyn Hartford?

Qofka aan ku nooleyn magaalada harford, waxey isticmaali karaan kaadhka ka soo baxey magaalda ay degan yihiin  ama waxey ka qaadan karaan kaadh cusub labreeriga harford, kaadhkaas oo ku socon karan laybareeriga Hartford oo keli ah. Si kaadh loogugu sameeyo waxa lagaaga baahan yahey aqoonsi ay taswiirtaada iyo cinwaaanka aad degen tahey ku taalo.
 

 Ma heli karaa kaadh kaliya waxa ka badan?

Qof walba kaadh kaliya ayaa loo ogolyey.
 

 Intee in leeg ayaan heysan karaa buugta?

Buugta waxaad heysan kartaa lab usbuuc., waxaanad codsan kartaa sii heysasho lab goor oo markiiba yahey laba usbuuc.
 

 Intee in leeg ayaan heysan karaa cajaladaha sii dhiiga?

Cajalahadaha sii dhiiga waxaad heysan kartaa laba usbuuc, waxaanad codsan sii heysasho lab goor oo markiiba yahey laba usbuuc.
 

 Intee in leeg ayaan heysan karaa cajaladaha fiidyowga.  

Cjaladaha fiidyowga waxaad heysan kartaa sadex maalmood , waxaanad codsan kartaa sii heysasho sadex mallmood oo kali ah.
 

 Imisa waxood ayaan qaadan karaa markiiba.

Kaadhka dadka waaweyn waxa loo ogolyey inuu markiiba qaato afar cajaladood oo fiidyowga dadka waayeyn iyo afar cajladaha fiidyowga caruurta, shan cjaladah sii dhiiga iyo konton buug. Kaadhka caruurta waxa lagu qaadan karaa markiiba, hal cajalda fiidyow ah, hal hajlad sii dhii ah iyo shan iyo labaatan bug.
 

 Sidee ayaan U codsan karaa sii heysasho?

Waxaad laybareeriga ka soo waci kartaa talafoonka 695-6290 si aad u codsato sii heysasho buugta iyo cajaladaha aad qaadatey. Buugta iyo cajladaha sii dhiiga waxaad cusbooneysiin karta laba goor, Cjladaha fiidyowgan waxaad cusbooneysiin karta mar kaliya. Ogow hadii qof kale xajisto sheyga aad heyso laguuma ogola inaad cusbooneysiiso sii heysasho.
 

 Waa maxey lacgta la igu xukumayaa hadii aan soo celinwaayo alaabta aan qaatey wakhtigeeda?

Maalintii kasta ay kugu dhaafto wakhtigii lagu yidhi soo celi , waxa lagaa rabaa toban senti buugta dadka waaweyn iyo cajaladaha sii dhiiga; buugta iyo cajladaha sii dhiiga caruurtuna waa hal centi maalintiiba; Cajaldaha fiidyowguna waa hal doolar maalintiiba.
 

 Ma qaadan karaa bug iyo cajalado kale hadii lacag la igu leeyahey?

Qofkii lagu leeyahey $25 iyo wax ka badan, iyo ilmaha lagu leeyahey $5 iyo wax ka badan ma qaadan karo alaab cusub ilaa uu bixiyo lacagta lagu leeyey.
 

 Maxaan sameeyaa hadii sheyga aan rabaa uu maqan yahey? 

Marka buug ama cajalad aad dooneysaa aaney oolin waxaad waci kartaa numbarka telefoonkan 695-6295  si aad u xajisato ama waxaad iman kartaa laybareeriga si aad u xajistato . kaadhkaaga leybareerigu waa inuu shaqeynayaa si aad u xajisato waxaad rabto. Cjaaladaha fiidyowga inla xajisto lama ogola wakhtigan la joogo.
 

 Maxaan sameeyaahadii kaadhka laybreeriga  la iga xado ama iga lumu?

Waa masuuliyada qofka kaadhka leh inuu u soo sheego laybareeriga hadii laga xado and uu lumiyo kaadkiisa. Kaadhka luma waa laguu badelayaa , waxaan lagaa rabaa hal doolar kaadhka qofka weyn iyo konton centi kaadhka caruurta.
 

 Maxaan sameeyaa hadii aan guuro?

Waa masuulida qofka inuu soo sheego hadii cinwaankiisu is bedalo.
 

 Maxaan sameeyaa Hadii magaceygu is badelo?

Waa masuuliyad qofka inuu soo sheego hadii magaciisu is bedalo.

    

The American Place is funded in part by the Hartford Foundation for Public Giving.

 

Last update: February 14, 2008